Sida ay baahisay warbaahinta Puntland, xildhibaannada ku matala maamulkaas labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban laba bog oo ay ku qaadaceen wax ka bedelka lagu sameynayo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee dalka, kuna tilmaameen mid sharci-darro ah oo aan loo marin hanaan wada-tashi qaran.
War-murtiyeedkan ayaa ka soo baxay shir wadatashi ah oo 2-da bishaan Maarso, ka qabsoomay magaalada Garoowe, ayaa la tilmaamay inuu isugu yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Shirka oo ka dhacay madaxtooyada maamulka waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ku-xigeenkiisa, iyo inta badan xildhibaannada Puntland ku metela sida hadalka loo dhigay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa kaga qeyb galay shirkan hab fogaan-arag ah, kadib markii la sheegay in diyaaradii ay la socdeen dib loogu celiyay Muqdisho.
Sidoo kale, Kulanka ayaa carrababay in si qoto dheer looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan wax ka bedelka dastuurka, waxaana lagu sheegay War-murtiyeedka kadib shirka in si adag loo cambaareeyay tallaabooyin lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah faragelin iyo ku takri-fal awoodeed, isla markaana lagu sheegay inay ka hor imaanayaan qodobbada Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.
“Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku metala Dowladda Puntland waxay go’aamiyeen: in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan u hogaansamin in la gaaro heshiis ah sidii ay ku qabsoomi lahayd doorashada Goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka Goleyaasha Baarlamaanka ee ku eg 14ka April 2026, ay Puntland iyada oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Saamileyda doorashada Dalka diyaar u tahay in ay ka shaqeyso sidii lagu qaban lahaa doorasho lagu badbaadinayo hannaanka geeddi socodka dowlad dhiska Dalka, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka dadka iyo Dalka, loogana hortagayo firaaq dastuuri ah iyo qalaalase amni” ayaa lagu yiri warka Puntland.
Xildhibaannada iyo maamulka Puntland ayaa sheegay inay cadaynayaan in aysan ka mid noqon doonin hanaan kasta oo lagu beddelayo dastuurka, kaasi oo aan waafaqsaneyn sida ay hadalka u dhigeen habraacyada sharciyeed, iyaga oo ku baaqay in doorashooyinka federaalka lagu qabto waqtigooda si looga fogaado firaaq dastuuri ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
HBN ONLINE TV

