Shiinaha ayaa war rasmi ah ka soo saartay markab kalluumeysi  oo looga afduubtay xeebaha Soomaaliya

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markab Kalluumaysi oo dalkooda laga leeyahay ay afduubteen koox hubeysan oo ku sugnaa biyaha ka baxsan Soomaaliya ee deegaannada Puntland ee gobolka Bari.

Markabkan oo ay afduubteen koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa lagu haystay xeebaha deegaannada Puntland, balse ugu dambeyn waa la sii daayay isaga iyo shaqaalihii la socday 2-dii bishaan Maarso oo shalay ahayd.

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay falka afduubka ah, iyada oo ku tilmaamtay mid halis gelinaya badqabka shaqaalaha iyo ammaanka maraakiibta caalamiga ah. Waxay sidoo kale caddeysay inay sii wadi doonto ilaalinta xuquuqda iyo danaha muwaadiniinteeda iyo shirkadaha dibadda.

Shiinaha ayaa sheegay in uu la yeeshay wadatashi dhow Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kuwaaasi oo xaqiijiyey in maraakiibta Shiinaha ay ka howlgalaan biyaha dalka, iyagoo haysta oggolaansho rasmi ah, isla markaana ay waafaqsan yihiin shuruucda dalka.

Ugu dambeyntii, Ugu dambeyntii, Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto Dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo kala duwan leh, loona sii adkeeyo saaxiibtinimada soo jireenka ah, si loo gaaro horumar dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed