Puntland oo ruqsadii kala noqotay shirkadda duulimaadyada ee Daallo

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha Daallo Airlines ay kala noqotay ruqsadda duulimaadyadeeda ee dhamaan garoomada diyaaradaha ee Puntland.

Go’aankan ayaa la tilmaamay inuu yimid kadib markii shirkaddu sida hadalka loo dhigay 2 jeer khatar gelisay nolosha masuuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland, isla markaana jabiyay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka.

“Waxaa lagu wargelinayaa Shirkadda Diyaaradaha Daallo in laga bilaabo maanta oo taarrikhdu tahay 1-da Maarso 2026 lagala noqday ruqsadii Duulimaadyada Diyaaradaaha Daallo ee dhamaan Garoomadda Diyaaradaha Puntland maadaama ay mudo laba jeer ah khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Duulista Puntland.

Sidoo kale, waxay ku amartay dhamaan maareeyeyaasha garoomada diyaaradaha Puntland in ay fuliyaan wareegtadan la soo saaray si buuxda, iyada oo ku tilmaamtay talaabadan mid muhiim u ah badbaadada rakaabka iyo masuuliyiinta iyo hubinta in garoomada diyaaradaha Puntland ay u shaqeeyaan si ammaan ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed