Jubbaland oo shir degdeg ah isugu yeertay xildhibanada Baarlamaanka ku matala

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa soo saaray wareegto uu ku iclaamiyay kulan wadatashi ah oo degdeg ah, kaasoo la isugu yeeray xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubbaland.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulankan diiradda lagu saari doono xaaladaha siyaasadeed ee taagan, isla markaana laga yeelan doono wadatashi iyo aragti-isweydaarsi ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Kulankan gaarka ah ee madaxweyne Axmed Madoobe uu isugu yeeray xildhibaanada ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo magaalada Kismaayo, oo ah caasimadda kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, maalinta biri ah oo Isniin ah, kuna beegan 2-da bisha Maarso 2026.

“Xildhibaanada sharafta leh ee Labada Aqal ku matala Jubbaland, waxaan ku casuumaynaa kulan wadatashi ah oo aan kaga tashan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, kaasoo ka dhacaya magaalada Kismaayo, taariikhdu markay tahay 2-da bisha Maarso 2026,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay maanta tiro ka mid ah xildhibaanada Labada Aqal ee ku matala Puntland Baarlamaanka Soomaaliya ay u safreen caasimadda Garoowe. Safarkoodu wuxuu daba socdaa, iyada oo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu shalay isaga baqoolay Muqdisho, tan iyo imaatinkiisii caasimadda ee horaantii bishii hore Febraayo iyo ka qayb-galkiisii shirkii mucaaradka iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqan siyaasadeed wuxuu ku soo aadayaa xilli shir cusub ay ku dhawaaqeen Golaha mucaaradka ee mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo la filayo in la qabto 10-ka bisha Abriil ee soo socota, si looga arrinsado tallaabooyin ay sheegeen in lagu badbaadinayo qaranimada Soomaaliya, kaddib markii ay burbureen wada-xaajoodyadii u dhexeeyay iyaga iyo madaxda dowladda federaalka.

Muddada xil-haynta Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eg 14-ka Abriil, arrintaas oo sii kordhisay cadaadiska siyaasadeed ee la saarayo madaxtooyada Soomaaliya, oo iyadu ku adkeysanaysa inay qabayso doorashada golayaasha deegaanka ee tooska ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed