Somaliland oo cafis u fidisay boqolaal maxbuus oo jeelasha ku xiran

Wareegto maanta uu soo saaray madaxweyne Cabdiraxmaan Maxmed Cabdullaahi Cirro ayaa lagu faray hay’ada ay quseyso in xabsiyada Somaliland laga siidayayo boqolaal maxbuus oo ku xirnaa Jeelasha.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Somaliland oo siidaysay warqadda amarka madaxweyne ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta cafis loo fidyey 713 ruux oo ahaa maxaabiista ku xukunnaa dambiyada fudud.

Ugu dmabeyn, madaxweyne Cirro oo in dadkan cafis loo fidiyo kala kaashay awal soo-jeedin kaga timid Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa isla isaga u xushay inuu fuliyo go’aankiisa, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee ku lifaaqan Qoraal summaddiisu ku taariikhaysan tahay 24/02/2026.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed