Xukuumadda Soomaalya oo soo rogtay amar culus oo qabayanaya dhamaan masuuliyiinta dowladda, si xaqiijiyo amniga

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lasoo saaray awaaamiir cusub, iyada oo la xoojinayo habraacyada amniga gaadiidka, si looga hortago khataraha amni iyo isku dayada weerarrada Alshabaab.

Wasaaraddu waxay wargelisay dhammaan masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda, mudaneyaasha Baarlamaanka, iyo xubnaha Golaha Wasiirrada in laga bilaabo 5-ta Maarso 2026 aan la oggolaan doonin in masuul dowladeed uu adeegsado gaari aan lahayn sumad ama taargo rasmi ah.

Sidoo kale, masuuliyiinta ka tirsan hay’adaha dowladda iyo goleyaasha kala duwan ayaa laga filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, gaar ahaan arrimaha la xiriira hubinta, diiwaangelinta, iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah, si loo fududeeyo sugidda amniga.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa xustay in qaadashada taargada gaadiidka ay tahay waajib sharci ah, isla markaana ay ciidamada amniga u sahlayso kala soocidda iyo hubinta gaadiidka, taas oo door muhiim ah ka qaadata xaqiijinta amniga.

Ugu dambayn, wasaaraddu waxay mar kale ku baaqday wada-shaqayn buuxda oo dhex marta bulshada iyo hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo xasilloonida, kala dambeynta iyo badqabka guud ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed