Somaliland ayaa ku dhawaaqday magacaabista danjirehoodii ugu horeeyey, una fadhin doona Israa’iil & Tel Aviv war arintan kasoo saartay

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay Isra’iil u magacawday danjire buuxa oo idman, kaas oo noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland si rasmi ah dibadda ugu metela.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa lagu magacaabay Dr Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud inuu noqdo Safiir Buuxa oo u fadhiya Israa’iil. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay kaddib markii uu helay warqad rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, oo xambaarsanayd tixraac lambar 040/2026, isla markaana uu sameeyay la-tashi ku aaddan magacaabista.

Sida lagu sheegay wareegtada, danjiraha cusub waxa uu yeelan doonaa dhammaan awoodaha, xuquuqda iyo waajibaadka la xiriira xilka safiirnimo, iyadoo loo raacayo Dastuurka Somaliland, xeerarka dalka u yaalla iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa aqbashay magacaabista danjiraha ugu horreeya ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Mohamed Xaaji, sida lagu sheegay warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil u dirtay xafiiska Madaxweynaha Somaliland. Wasaaraddu waxay sheegtay in Mohamed Xaaji uu hadda ah la-taliye madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu ahaa shaqsi si firfircoon u taageerayay xoojinta xiriirka Israa’iil iyo Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in ay dhowaan magacaabi doonto danjire u fadhin doona Somaliland, iyadoo Somaliland ay tallaabadan ku tilmaantay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed