Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in dalka uu galay xaalad aad u xun oo abaar iyo macluul daran ah, taasoo gaartay heer ay dadku bilaabeen inay u geeriyoodaan abaarta ba’an ee ka jirta qaybo badan oo dalka ah—waxaana Qaramada Midoobey ay iyaduna dalbatay taageero dheeraad ah oo looga jawaabayo xaaalada adag ee jira.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in 6.5 milyan ruux ay ku jiraan xaalad halis ah oo abaartu sababtay, iyadoo xaaladdu ay gaartay heer aad u liita, isla markaana meelaha qaarkood ay dadku dhimasho u geeriyoodeen.
“Xaalad xun oo aad u liidata ayaa jirta oo meel qaarkood dadkii dhimasho ay gaareen. Ummadda Soomaaliyeed hadda waxay maraysaa in 6.5 Milyan ka badan ay abaartu saameysay, taasoo 2-Milyan & 300 oo boqol ku jirto xaalad degdeg ah” ayuu yiri guddomiye Maxamuud Macalin.
Sidoo kale, ku dhowaad 2 milyan oo carruur ah oo ka yar 5 sano ayuu sheegay inay la il-daran yihiin nafaqo-darro daran. “2-Milyan caruur ku dhow oo 5 sano ka yar ayaa nafaqo darro la il daran yihiin, meelaha qaarkoodna dhimasho ay gaartay” ayuu yiri markale guddoomiye Maxamuud.
Dhanka kale, Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay, ahna Iskuduwaha Gargaarka Beni’aadannimada Soomaaliya, George Conway, oo ka hadlay abaarta ba’an ee dalka ka jirta ayaa sheegay in Malaayiin Soomaali ah ay la kulmayaan xaalado adag. Abaarta dalka ku dhufatay ayuu sheegay inay ka dhalatay roob yari iyo xilli kulul oo qallalan, taasoo saameyn weyn ku yeelatay dalagyada, xoolaha, iyo nolosha bulshada, iyada oo ay u sii dheertahay Colaadaha jira oo xaaladda sii xumeeyey, ayna kumanaan qof ka barakicisay.
Conway ayaa tilmaamay in xaaladda ay sii xumaynayaan xirnaanshaha xarumo nafaqo iyo adeegyo caafimaad oo muhiim ah, isagoo ku booriyey deeq-bixiyeyaasha, jaaliyadaha, iyo qaybaha gaarka ah inay gacan ka geystaan gargaarka bani’aadannimo.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sidoo kale sheegay in taageeradii caalamka ay hoos u dhacday, taasoo sii adkaysay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka ka jirta. Maxamuud Macalin ayaa diray qaylo-dhaan degdeg ah oo uu u jeediyay gudaha iyo dibadda, isaga oo ugu baaqay cid kasta oo awood u leh gargaar inay gacan ka geystaan badbaadinta dadka abaartu saameysay ee ku nool qaybo badan oo Soomaaliya ah.
HBN ONLINE TV

