Maamulka Woqooyi-bari ayaa eedeymo iyo hanjabaad culus u diray Puntland

War kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari Soomaalya oo eedeymo culus ah ayaa lagu sheegay inay jiraan, sida qoraalka lagu carrabaabay, mas’uuliyiin Puntland ah oo arrimaha maamulka farageliyey, kaddib markii Puntland ay ka hortimid in Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay doorashooyin ka qabato gobollada Sool & Cayn, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka.

War saxaafadeedka wasaradda oo u muuqday mid digniin ah ayaa lagu tilmaamay in aan loo dulqaadan doonin waxay ugu yeereen xadgudub iyo faragalin kaga imaanaysa xubno Puntland ah oo aan la tilmaamin magacyadooda.

“Dowladda Waqooyi Bari waxay si cad u muujinaysaa in aysan u dulqaadan doonin xadgudubka iyo faragelinta mas’uuliyiin ka soo jeeda Puntland ee caddeystay fara-gelinta deegaannada Dowladda Waqooyi Bari. Sidoo kale, fal kasta oo xadgudub ku ah midnimada dhuleed, wadajirka iyo danaha guud ee Dowladda Waqooyi Bari,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Sidoo kale, maamulka Waqooyi Bari ayaa ku booriyey Puntland adkeynta ilaalinta daris-nimada, wada noolaanshaha iyo xiriirka ka dhexeeya bulshada ku dhaqan deegaanada la wadaago, isaga oo faray in la dhowro xuduudka labada dhinac iyo soohdimaha u dhexeeya.

“Dowladda Waqooyi Bari waxay ku baaqaysaa in la dhowro xuduudaha maamul iyo soohdimaha degmooyinka, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo wax u dhimi karta nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida deegaannada,” ayaa lagu sii raaciyey warka kasoo baxay maamulka.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu ayaa sheegtay inay mar kale caddeyneyso ilaalinta nabadda, sharciga iyo in daris-nimadu ay yihiin mudnaanta 1-aad ee Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo fariintan si gaar ah loogu diray maamulka Puntland.

Sheegashooyinka maamulka Waqooyi Bari kama aanay jawabin Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed