Israa’iil oo lagu soo dhaweeyey masuuliyiin ka socda Somaliland

Masuuliyiin Israa’iiliyiin ah ayaa soo weyn dhaweeyey koox ka kooban 25 ruux, laguna sheegay inay ahaayeen khabiiro dhallinyaro ah oo ka socota Somaliland, sida ay tabisay warbaahinta gudaha.

Dadka la soo dhaweeyey ayaa la sheegay inay Israa’iil Israai ku yimideen si ay uga qeyb qaataan barnaamij tababar oo gaar ah oo ku saabsan maareynta kheyraadka biyaha, iyada oo Somaliland ay ku sheegtay inay ka qeyb yihiin xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee kala dhexeeya Tel Aviv. Xubnaha Somaliand waxaa hoggaaminaya Aadan Cabdalle oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha.

“Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo yoolka SDG6, kaas oo la xidhiidha helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowr waara.Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta kaabayaasha biyaha ee Somaliland, isla markaana xoojinaysa iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca horumarinta iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah” ayaa lagu warkan oo kasoo baxay Somaliland.

Farsamooyinkan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah xallinta caqabadaha biyaha ee Somaliland iyo taageeridda baahiyaha beeraha iyo guryaha ee sannadlaha ah ee Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed