Somaliland oo lagu eedeeyey qarinta heshiisyada Israa’iil ee dhanka Militariga oo abuuri kara xiisad ka dhacda geeska afrika

Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, oo maanta warbaahinta kula hadlay caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa si adag u dhaliilay xukuumadda talada haysa, kuna eedeeyay inay mas’uul ka tahay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobollada galbeedka ee deegaannadooda, kuna riixaysa tan geeska Afrika.

Daarood ayaa sheegay in “xaaladda gobollada galbeedka ee maanta taagan ay xukuumaddu abuurtay,” sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu hore uga horyimid sida uu ku dooday heshiiskii shirkadda DP World.

Sidoo kale, maareeyihii hore ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si cad u soo bandhigto heshiisyada ay la gashay Israa’iil, gaar ahaan kuwa la xiriira dhinaca amniga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in heshiisyadaasi ay tahay in la horkeeno Baarlamaanka si loo helo daahfurnaan, isla-xisaabtan, iyo wacyigelin guud.

Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in aqoonsiga la sheegay in Israa’iil siisay Somaliland ay la socdaan heshiisyo amni oo qarsoon, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara amniga guud ee Somaliland, isla markaana ay ku jiri karaan qodobo la xiriira in saldhigyo milatari laga siiyo Israa’iil gudaha Somaliland.

Wuxuu sidoo kale xusay colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaallada ay Israa’iil kaga jirto meelo kala duwan, iyo weerarrada ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Israa’iil ay Somaliland gelin karaan daraf ka mid ah dhinacyada ay xiisaddu ka dhexeyso Bariga Dhexe, Badda Cas iyo mandiqadda ay kooxahaasi ka howlgalaan.

“Heshiiska aan Israa’iil la galnay wuxuu inaga dhigay daraf ka mid ah dhinacyada xiisaddu ka dhexeyso ee Bariga Dhexe, Badda Cas iyo mandiqadda ay Xuutiyiintu ka howlgalaan,” ayuu mar kale yiri Maareeye hore Maxamed Cali.

Ugu dambayn, eedeymahan iyo su’aalaha la hordhigay ayaan weli xukuumaddu si rasmi ah uga jawaabin, inkastoo Somaliland marar hore ay si kulul u diidday dhaleeceyn kasta oo la xiriirta xiriirkeeda Israa’iil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed