Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa maanta si kulul u cambaareysay weerar ka dhacay dalka Nigeria oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubay haween iyo carruur.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab istaag u muujineyso Dowladda iyo shacabka Nigeria, iyadoo tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay weerarkii shlaay ka dhacay gobolka Zamfara ee dalkaasi
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, isla markaana taageertay dadaallada ay Dowladda Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay.
Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya waxay ku boorisay dalalka Qaaradda Afrika inay midnimo muujiyaan si loola dagaallamo argagixisada, ayna mudnaanta siiyaan ilaalinta rayidka.
HBN ONLINE TV

