Kadib markii ay wax natiijo ah laga gaari waayey wadahadaladii labada wareeg ee madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka oo ku midaysan madasha samatabixinta Soomaaliya ayaa war qoraal oo ka soo baxay dowladda Maraykanka lagu sheegay in lama huraan ay tahay heshiis dhinacyadu gaaraan.
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in wadahadalka iyo isu-tanaasulka ay adag yihiin, balse ay lagama maarmaan tahay in la gaaro heshiis.
Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ku dhiirrigelisay inay sii wadaan dadaalladaas, iyada oo xustay muhiimada ay leedahay wadahadal dhab ah oo lagu gaaro isfaham.
“Wadahadalka iyo isu tanaasulka waa kuwo adag balse lama huraan ah, waxaana ku dhiirrigelineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan dadaalladaas” ayaa lagu yiri warka Safaaradda maraykanka.
Qoraalka ayaa xusay in nidaam siyaasadeed oo Soomaali mideysan uu la dagaallami karo waxa loogu yeero argagixisada, xoojiyo maamul wanaagga, isla markaana horumariyo mudnaanta Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Inkasta oo aan la sheegin xiliga suurtagal ah ee la isku soo laaban karo, aysanna jirin ballamo kale oo wadahadal, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in qodobada la isku mari waayay ay ku jireen doorashooyinka, dib-u-eegista Dastuurka iyo qodobo kale oo la rumeysnaa inay dhalin karaan dood adag, maadaama Dowladda Federaalka iyo mucaaradku ay ka kala taagan yihiin aragtiyo kala fog.
HBN ONLINE TV

