Bannaanabax la xiriira dad la sheegay inay dileen ciidamada dawlada oo maanta Muqdisho ka dhacay

Mudaaharaad saacado socday ayaa maanta ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, gobolka Banadir, kaas oo looga soo horjeedo wax ay dibadbaxayaashu ku tilmaameen dilal bareer ah oo lagu eedeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku daabacan yihiin sawirro dad dhaawacyo culus ka muuqdaan, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda, halka ciidamo amni ay si feejigan u joogeen aagga mudaharaadka.

Isu soo baxan ayaa imanaya kaddib iska horimaadyo shalay ka dhacay xaafadaha Buula Maaxay iyo Al-Cadaala ee degmooyinka Kaaran iyo Hilwaa, kuwaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah. Tirada dadka waxyeelladu gaartay ayaa lagu sheegay inay gaareyso ilaa 10 ruux, inkastoo aan weli wax war ah laga helin masuuliyiinta dowladda ama maamulka gobolka oo ku saabsan mas’uuliyadda dhacdada.

Goobta mudaharaadka ka socdo ayaa wax yar u jirta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo uu ka socdo shir xasaasi ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Golaha Mustaqbalka, arrintaas oo ka dhigtay waqtiga mudaaharaadka mid si gaar ah indhaha loogu hayo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in isu soo baxu si degdeg ah u fiday, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah isla markaana hakad la geliyay gaadiidka.

Sidoo kale, ciidamada amniga ayaa lagu eedeeyay inay adeegsadeen awood, isla markaana ay qabqabteen tiro dad ah, kuwaas oo qaarkood si weyn deegaanka looga yaqaanay.

Dhacdadan iyo xaaladda ka taagan goobta mudaharaadka ayaa si dhow loola socdaa.

Isha ku haay: HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed