Maamulka Buurhakaba oo ka horyimid Koonfur galbeed

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, una dhexeysa maamulka degmada iyo madaxda sare Koonfur Galbeed ayaa soo ifbaxday, taasi oo saameyn taban ku yeelatay garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow), oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu saaray sida uu hadalka u dhigay cadaadis siyaasadeed oo xooggan degmada, taas oo keentay hakad ku yimid howlo muhiim ah oo ka socday garoonka diyaaradaha.

Ibraahim wuxuu sheegay in Koonfur Galbeed ay joojisay sida uu ku andacootay duullimaadyadii gargaar bani’aadamnimo ee tagi jiray Buurhakaba maalmaha Arbacada iyo Axadda, kadib markii ay xiriir la sameeyeen madaxda sare ee dowlad-goboleedka, laguna wargeliyay in duullimaadyadaasi loo joojiyay sababo amni awgood.

Sidoo kale, Ibraahim Laysaamow ayaa xusay in Garoonka Diyaaradaha Buurhakaba ay si wadajir ah u hirgeliyeen shacabka degmada oo si isxilqaan ah u bixiyay dhaqaalaha, balse uu sheegay in kaalintii maamulka Koonfur Galbeed ee garab istaagga shaqada garoonka lagu beddelay xayiraad.

Dhanka kale, ilo kala duwan ayaa sheegay in sababta cadaadiska loo saaray garoonka ay la xiriirto ciidamo halkaas lagu tababarayo, kuwaas oo la siyaasadeeyay ujeedkooda. Maamulka degmada Buurhakaba ayaa arrintaas ku dooday in ciidamadu yihiin kuwo amni, isla markaana tababarkooda uu la mid yahay kan ka socda degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed.

Eeedeymahaani kama aanu maamulka Koonfur Galbeed ee xayiraada lagu soo rogay magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay.

HBN ONINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed