Ku dhawaad 10 ruux ayaa khasaare dhimasho iyo dhawaac ah uu ka soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii iska hor imaad rabshada wata uu degmooyinka Hilwaa iyo Kaaraan ku dhexmaray shacab caraysan iyo ciidamo la sheegay in doonayeen in guryo ay deganaayeen burburiyaan.
Dad goobjoogayaal ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rabshaduhu ka dhaceen xaafadaha isi-saaran ee Alcadaala (degmada Hilwaa) iyo Buula Maaxay (degmada Kaaraan), gaar ahaan xaafad lagu magacaabo Qumbacoole.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in 1 qof uu dhintay, halka 7 kale ay dhaawacmeen, isagoo intaa ku daray in la isku dayay in la barakiciyo ilaa 10 kun oo qoys.
“7 qof ayaa dhaawac ah, 1 qofna waa dhintay oo hadda laba garaab tahay,” ayuu yiri qof rayid ah oo la hadlay warbaahinta gudaha Muqdisho.
Dhanka kale, haweeney ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in dhimashadu gaartay 2 qof—wiil iyo gabar—iyadoo xustay in wiil kale xabbado ka haleeleen beerka loola cararay xarun caafiamad. Waxay dhacdada ku eedeysay ciidamada maamulka degmada Hilwaa, inkastoo aan wax xaqiijin ah laga helin dhankooda.
Dadka shacabka ah ayaa sheegay in loo qabtay muddo 3 maalmood ah inay uga guuraan guryo ay sheegeen inay sharci u leeyihiin.
Illaa hadda wax war ah kama soo bixin maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

