Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliya ayaa weli sii wada doodda ku aaddan wax ka beddelka Dastuurka, iyagoo maanta gaaray cutubka 9-aad, kana dooday qodobadiisa 130-aad illaa 154-aad, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska guddoonka sare.
Kulanka wadajirka ah oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir-guddoomiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo diiradda la saaray soo jeedimaha la xiriira marxaladda 2-aad ee dib-u-eegista Dastuurka iyo wax ka beddelka qodobada cutubka 9-aad. Kulankan ayaa ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee wadajirka ah, waxaana goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeennada labada Aqal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in doodda cutubka 9-aad ay sii socon doonto isla markaana lagu wadi doono kulamada xiga, si xildhibaannadu u helaan fursad ku filan oo ay aragtidooda ku cabbiraan. Jawiga kulanka ayaa lagu tilmaamay mid deggan, iyadoo doodduna u dhacday sidii loogu talagalay, waxaana goob joog ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee Dastuurka KMG ah oo u mahadceliyay xubnaha labada Aqal.
Dhanka kale, xildhibaanno mucaarad ah oo ganaax ku maqan ayaa weli ka maqnaa kulanka, kaddib buuqii ay hore uga sameeyeen golaha si ay u hor istaagaan doodda wax ka beddelka Dastuurka. Arrintan ayaa si weyn uga soo horjeedaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo haatan wada-hadal kula jira Madaxtooyada, kuna adkeysanaya ku shaqeynta Dastuurkii 2012-kii.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku sugan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada ka soo baxda wada-hadallada iyo doodaha Dastuurka ay go’aamin karto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka saameeyay geeddi-socodka dowlad-dhiska. Waxaa intaas dheer xaalad adag oo ka dhalatay abaaro baahsan oo ka jira qaybo kamid ah dalka, kuwaas oo si weyn u saameeyay dadka iyo duunyadaba.
HBN ONLINE TV

