Shir Muqdisho ku dhexmaray Mucaraadka iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gabagaboobay

Waxaa galinkii dambe ee maanta soo dhammaaday shir u dhexeeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladda Federaalka DFS, kaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhinacyadu ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay isku raaceen in la raadiyo is-afgarad ku saabsan nooca doorasho ee dalka laga qaban karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in dowladda ay qorsheyneyso qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ee saddex maamul sida ay ilo wareedyo goobjoog ah ay warbaahinta u sheegeen, taas oo qeyb ka ah hannaan doorasho oo la doonayo in lagu mideeyo aragtida siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa shirka ka sheegay inaysan suurtagal ahayn in xilliga dowlada u dhiman lagu qabgto doorasho qof & cod sidaasi darteed laga hadlo hannaan kale oo doorasho. Waxaa lagu heshiiyey in saacadaha soo socda dib loogu soo laabto shirka, si loo sii ambaqaado wadahadallada, iyadoo isla maanta uu billowday shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo mowqifyada guud ee mucaaradka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay madax sare oo ka tirsan DFS, Ra’iisul wasaare , Xamse Cabdi Barre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda Dowladda Federaalka.

Dhanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ajandaha shirku uu ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka, gurmadka abaaraha, iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo shirkan lagu tilmaamay mid muhiim u ah dadaallada wadatashi iyo is-afgarad siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed