DFS oo shaqo joojin ku samaysay diyaarado badqabka duulimaadka buuxin waayey

Dawladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa shaacisay inay shaqada ka joojisay tiro ka mid ah diyaaradaha ka hawlgala gudaha dalka, kaddib markii ay buuxin waayeen shuruudaha badqabka duulimaadka. Go’aankan ayaa lagu sheegay qoraal maanta oo Khamiis ah ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegtay inay magacawday guddi gaar ah oo madax-bannaan, kaas oo loo xilsaaray baaritaan iyo qiimeyn lagu sameeyo tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan shirkadaha duulimaadyada gudaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa xaaladda guud ee diyaaradaha dalka iyo tallaabooyinka la qaaday.

“Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka, waxaanna guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka” ayaa lagu yiri warka xafiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii cabashooyin isa soo tareen khataro la xiriira badqabka duulimaadyada ay saameyn ku yeesheen bulshada Soomaaliyeed ee u kala safarta gobollada dalka. Waxaa la sheegay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay kormeer ku sameysay shirkadaha, isla markaana ay joojisay qaar aan buuxin shuruudaha badbaado iyo tayada duulimaadka.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista ayaa carrabka ku adkeeyay in badbaadada rakaabka ay tahay mudnaanta koowaad, isla markaana aan la oggolaan doonin shirkado ku shaqeeya hab ka baxsan shuruucda duulista. Waxay sidoo kale sheegeen in shirkadihii la joojiyay ay dib u heli karaan oggolaanshahooda marka ay si buuxda u buuxiyaan shuruudaha badbaado ee looga baahan yahay.

10-kii bishaan February ayey ahayd markii shil diyaaradeed uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii ay la kulantay cilad farsamo wax yar kadib markii ay hawada gashay. Diyaradda ayaa waday rakaab u kala siday gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaa tiradoodu ahaa 55 ruux. Dhamaan dadka saarnaa ayaa badbaaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed