Kenya oo fashilisay weerar weyn oo Alshabaab qorsheynaysay inay ka fuliso bisha Radamaan Nairobi

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in hay’adaheeda sirdoonka si guul leh u fashiliyeen weerar ay ku tilmaantay mid argagixiso oo ballaaran, kaas oo kooxda Alshabaab ay doonaysay  inay ku disho sida hadalka ay u dhigtay muwaadiniin badan oo Kenyan ah, kuna beegnaa magaalada Nairobi.

War rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka Booliiska la dagaallanka Argagixisada ee Kenya ayaa lagu sheegay in bilo badan oo dabagal joogto ah iyo xog-ururin sirdoon oo qarsoodi ah lagu sameeyay shabakad argagixiso oo ka howlgalaysay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, taas oo keentay in la soo helo hub iyo rasaas fara badan.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiray in ka badan 600 xabbadood oo rasaas ah, bastoolado, bambo gacmeedyo, walxo qarxa iyo daroogo, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay sida la sheegay bartilmaameedyo ku yaalla caasimadda Nairobi.

Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaamtay in xubnaha kooxda ay qorsheynayeen inay weerarka fuliyaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, isla markaana ay baarayeen suurtagalnimada afduubka ajaanibta iyo qabsashada gaadiid.

Dowladda Kenya ayaa carrabka ku adkaysay in ammaanka magaalada Nairobi uu weli suganyahay, taas oo ay ku ammaantay geesinimada iyo dadaalka joogtada ah ee ay muujiyaan ciidamadeeda ka tirsan hay’adaha amniga, kuwaas oo waqti dheer ku bixiya la-dagaallanka waxa loogu argagixisada iyo dambiyada khatarta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed