Somaliland oo si caro leh uga eedeysay Turkiga faragalin ka dhan geeska Afrika

Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga falcelisay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kaasi oo uu Itoobiya uga digay inay aqoonsato Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda xukuumadda Hargeysa ayaa lagu sheegay in hadalada Erdoğan yihiin faragelin aan la aqbali karin, isla markaana lagu doonayo in lagu wiiqo sida hadalka loo dhigay xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo saaxiibadeeda gobolka. Wasaaradda oo cambaareysay hadallada Madaxweynaha Türkiye ayaa ku ku tilmaantay kuwo ka baxsan mabaadi’da ixtiraamka madax-bannaanida dalalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in go’aamada siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay tahay inay go’aamiyaan dowladaha iyo shucuubta gobolka laftoodu, isla markaana aan la oggolaan karin in isku dhacyo ama tartamo dibadeed lagu fidiyo gobolka, maadaama ay khatar ku yihiin xasilloonida iyo iskaashiga.

“Go’aamada siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka Geeska Afrika waa in ay go’aamiyaan dowladaha iyo shucuubta gobolka laftoodu. Isku dhacyada iyo tartamada dibadda looma oggola in lagu fidiyo gobolka, si aan loo wiiqin xasilloonida iyo iskaashiga” ayaa lagu yiri warka Somaliland

Somaliland ayaa ugu baaqday Türkiye inuu ka fogaado mowqifyo sii hurinaya xiisadaha gobolka, ayna ixtiraamto mabaadi’da is-ixtiraamka, faragelin la’aanta, iyo go’aan-qaadashada madax-bannaanida dalalka.

Sidoo kale, xukuumaddu waxay caddeysay in xiriirrada ay Somaliland la leedahay saaxiibadeeda gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jirto Itoobiya, iyo dadaalkeeda ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, ay yihiin kuwo nabadeed, sharci ah, isla markaana si buuxda ugu dhisan sida ay hadalka u dhigtay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee shacabkeeda.

Hadalkan sida adag ka jawaabtay Somaliland ayuu madaxweyne Erdoğan ka sheegay magaalada Addis Ababa shalay, isaga oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, wuxuuna xukuuamdda dalkaasi ugu baaqay inaysan aqoonsan Somaliland, kadib markii uu kaga digay in tallaabadaasi aanay wax faa’iido ah u keenayn dalkeeda, balse ay adkayn karto xasilloonida gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed