Masar oo soo bandhtay ciidamada iyo qalabka Militari ee lagu darayo howlgalka AUSSOM

Wasaaradda Difaaca Masar ayaa soo saartay muuqaallo muujinaya askar iyo qalab milatari, oo ay ku jiraan diyaarado, kuwaas oo loo dirayo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Tani waxay imaanaysaa maalmo kaddib booqasho uu Qaahira ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Intii uu ku sugnaa Masar, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Masar, Sarreeye Guuto Abdelmajid Saqr, ayaa kormeeray cutubyo loo diyaariyay in la diro, iyagoo hubiyay heerka diyaar-garowga, qalabka iyo saadka ciidamada. Wasaaradda Difaaca Masar ayaa muuqaal la sii daayey oo sonoaya laba daqiiqo, afartan iyo shan ilbiriqsi (2:45) ku soo bandhigtay diyaar-garowga iyo qalabaynta ciidamada ka qeyb-galaya hawlgalka.

Masar ayaa si rasmi ah u xaqiijisay dirista cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka Masaarida ay taageero siin doonaan ciidanka ka howlgali doona Soomaaliya. Qalabka la dirayo waxaa ka soo muuqday muuqaalka diyaaradaha AT-802U, Mi-24 iyo Mi-17, iyadoo la filayo in sidoo kale la geeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Qaahira ayaa la filayaa inay ku biiriso ku dhowaad 1,100 askari howlgalka Midowga Afrika, kaas oo lagu taageerayo amniga, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumayso ka-go’naanta dalkaasi ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo la xaqiijinayo in ciidamada la dirayo ay gaareen heer sare oo diyaargarow iyo tababar xirfadeed ah.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ayaa mar kale xaqiijiyay ka-qaybgalka Masar ee howlgalka, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ka saaran xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Marka laga soo tago ka-qaybgalka AUSSOM, Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo u oggolaanaya Qaahira inay ciidamo dheeraad ah u dirto Muqdisho, kuwaas oo aan qayb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika. Tallaabadan ayaa muujinaysa xiriir milatari oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dal.

Wasaaradda Difaaca Masar ayaa sheegay in Ciidamada ka qeyb-galaya howlgalka uu gaaray heerka ugu sarreeya ee diyaar-garow, iyagoo maray tababar xirfadeed oo u sahlaya in ay “si hufan oo karti leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, xilli kasta iyo xaalad kasta”, waxaana la carrabaabay in arrintaan mar kale ay caddeyn u tahay mowqifka taariikhiga ah ee Masar ee ku aaddan ka-qaybgalka firfircoon ee taageerada amniga iyo nabadda caalamiga ah.

Talaadadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel Aty ayaa muujiyay diidmada dalkiisa ee wax kasta oo wax u dhimaya midnimada Soomaaliya iyo joogitaanka ciidan ee Badda Cas ee dal aan marin toos ah ku lahayn.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorka sii kordhaya ee milatari ee Masar uu muujinayo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Muqdisho, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la-dagaallanka khataraha kooxaha hubeysan.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed