Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad ka doodaya wax ka beddelka Dastuurka KMG ah

Mudanayaasba laba aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad si adag uga doodaya wax ka beddelka Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyadoo xildhibaannada labada aqal ay falanqeynayaan cutubyo muhiim ah oo loo gudbiyey si dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel loogu sameeyo.

Qodobada la hor keenay Baarlamaanka waxaa ka mid ah cutubka 5-aad ee dastuurka, kaas oo si gaar ah uga hadlaya maqaamka magaalada Muqdisho iyo su’aasha ah in ay noqoto maamul goboleed gaar ah iyo in kale. Arrintan ayaa dhalisay dood iyo aragtiyo kala duwan oo ka dhex jira mudanayaasha.

Dooddan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka wax ka beddelka dastuurka, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ay cabasho ka muujiyeen sida hawsha dib-u-eegista loo wado.

Dhanka kale, tiro xildhibaanno ah ayaa laga joojiyey ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka, taas oo iyaduna sii hurisay hadal-heynta ku saabsan hufnaanta iyo wada-jirka geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka.

Doodaha ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo indhaha bulshada Soomaaliyeed ay ku wajahan yihiin natiijada ka soo baxda go’aannada Baarlamaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed