Burcad amaanka ma sugi karaa?
Waxaa baryahan danbe batay wararka la xiriira ciyaal weero oo xaafadaha magaaladda khalkhal ku haya oo inta badan cabashadooda muddo dheer soo jiitameysay.
Hadda waxaad moodaa in la helay si arrintaa wax looga qabto. Dhalinyaradda loo soo xiro faldanbiyeedkaa hadda waxaa mas’uuliyadda qaadana waalidkii oo saxiixaya in caruurtooda aysan mar danbi lug ku yeelaneyn faldsniyeed.
Caruurtaa waxay khatar ku aheeyeen amaanka guud; suuqyadii, dukaamadii iyo adeegii bulshadda, xitaa waxaa amaan lagu waayay maajidadii iyo wadooyinkii loo mari lahaa. Haddaba nidaamka ah in qoosaska ay caruurtooda damiintaan ayaa hadda u muuqta in lagu xaliyo ciyaal weeradda… laakiin wax badan oo 1kale ayaa dhiman.
Arrintaa waa la gartay, hase ahaatee waxaa magaaladda jooga burcad kale oo khatatmr ku ah amaanka cid walba. Ciyaalka weeradda waxay wateen dhagaxyo, burar iyo midiyo, dhibkooda waxaa moodaa in loo guntaday in wax laga qabto.
Arrinta meesha taal waxay tahay maxaa wax looga qaban la’ yahay burcadda ku gabanaya shaar dowladda, sita dharkii iyo hubkii ciidanka oo wado walba taagan oo khatar ku ah ambiga dadka, dowladda iyo dalkaba.
Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo la hadlayay saraakiisha amaanka ayaa dhawaan sheegay in qaraxyadda magaaladda ka dhaca in ay ka soo gudbaan baro ciidamadda dowladdu ay joogaan.
Waxaa cad in hadalkaasi aan wali waxba lagu qaadan, maalin walba waxaa waddada shacabka u taagan burcad lacag qaanuunka khilaafsan dadka ka qaada, ka dibna wadadii ay aheyd in ay maraan laaluush ay ku maraan, haddii uu qofku diido naftiisa iyo amnigiisa ayaa khatar galaya.
Daadkaas ma istaahilaan in ay amaanka ka shaqeeyaan iyo taliye ku sheeegyadooda oo ah aabaha iyo hooyadda fidnadda. Waxa ay geesmareen fariintii madaxweynaha, waxaana moodaa in ay burcadnimadda ku mabeen oo ay tahay wax sax ah.
Dad badan oo maqaalkan akhrinaya ayaa qaarkood waxaa hubaa in mar walba la weydiiyo in ay lacag wadadda ku maraan. Lacagtaas haddii ay khasnadda dowladda gali laheyd wax weyn bay qaban laheyd, Laakiin lacagtan waxay ku baxdaa qaad iyo wax la mid ah.
Dhibaatadda noocaas ah waxay saameysay amnigii madaxtooyadda qaranka ka dibna burcadda dad ka mid ah ay qaraxyo gubiyeen. Wali dacwadaasi ma bilaaban, laakiin burcad ku qaraabta dareeska dowladda ayaa qeyb ka ahaa oo baaritaanooda uu wali socdaa.
Dadka noocaas ah oo xumeynaya sumacadda iyo sharafta dowladdnimadda. Waxaa taas ka daran in dadka dollarka wadadda u taagan aysan u qalmin in ay ka sii mid ahaadaan ciidamadda. Dadkaas oo badan ayaa wali amaanka magaaladda ka shaqeenaya. Waa yaabe, aaway isla xisaabrankii! Su’aashu waxay tahay burcad amaanka ma ka shaqeyn karaa ama ma sugi karaa?
(Jawaabtu waa maya. cid walba oo mas’uul ah waa in qoraalkan uu dhug u yeesho. Burcadaas haddii laba dollar loo tuuro ku diriraya ama amaanka dalka khatar u galinya qadar yar oo lacag ah, waa in dadka iyo dalka laga qabtaa.)
Waxaa soo jeedin lahaa inta aysan bishan dhamaan in dhamaan la bedelo ciidamadda ilaaliya meel walba, waxay ka tirsan yihiin burcadaas aan kor ku xusay. Madaxdooda wax kama qaban karto, waana ku og yihiin, mar marka qaar iyagaa ka liita askarta dhaqanka xun ama lacagta la qeybsada…
Waxaa loo baahan yahay, in lagu bedelo askar xilkas ah oo aan laaluush qaadan. Kuwaanna dhamaan ciidamadda laga saaraa, waayo wax wanaag ah ma laha, mana laha waalid damiinta sida ciyaal weeradda oo balan qaadi kara in uu fal dambiyeedka joojinayo.
Ciyaal weeraddii waa laga nastay ayaantan, laakiin waxaa si deg deg ah loogu baahan yahay in burcadda xumeynaya magaca ciidamadda amaanka, dowlanimadda uu shacabku ka nasto. Dhamaad
Qore: Mohamed Mohamud Cadde.Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo Caalamka