NATO ma waxay u diyaar garoobaysa dagaal ka dhan ah Ruushka?

Dalalka ku yaalla dhanka ugu shisheeya bariga qaaradda Yurub ayaa isu diyaarinaya go’aan kasta oo ka yimaada Ruushka, kaas oo khatar iyo halis degdeg ah ku haya, si loo tijaabiyo awoodaha difaac ee NATO, oo dhowaan dhamaystirtay tababaro ciidan cirka ah oo ka dhacay Finland.
Warbixin uu qoray waregyska Financial Times ee ka soo baxa magaalada London ayaa waxaa lagu sheegay in inkasta Moscow ay haatan mashquul ku tahay dagaalka ay kula jirto Ukraine, dad badan oo ku sugan xuduudda Finland iyo Ruushka waxay filayaan in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu mar uun ku jeesto dhanka bari ee NATO.

Xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte ayaa bishii hore uga digay in Moscow ay u diyaarsan tahay inay xoog u adeegsato isbahaysiga “dhowr sano gudahood.” Rutte ayaa khudbad uu jeediyey ku yiri: “Si aan la iska indho-tirin karin xaqiiqda, dhammaanteen hadda waxaan nahay garabka bari” oo uu ula jeedo dalalka bariga Yurub oo ay wajahayso qatar ka timaada Ruushka.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isna khudbad uu ka jeediyey shirkii NATO ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada The Hague, ee dalka Netherlands, wuxuu ku sheegay in Ruushku qorsheynayo howlgallo ciidan oo cusub oo ka dhaca dhulka NATO.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo markii uu yimid The Hague oo uu ka qayb galayay shirka wuxuu soo jeediyay in heshiiska is-difaaca wadajirka ah ee NATO, oo loo yaqaanno Qodobka 5, uu yahay mid fasiraad u furan.
Muddadii uu xafiiska joogay Trump, waxa la is waydiinayey in Mareykanka ay ka go’an tahay difaaca Yurub taasi oo abuurtay tuhun aan la arkin muddo tobanaan sano ah.

Sawirro dayax-gacmeed ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq xooggan oo ka socda saldhigyada Ruushka ee ku dhow garabka bari ee NATO, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha ee Levashovo, Kamenka, iyo Olenya kuwaas oo weerarro drone ah kala kulmay Ukraine arrintaas oo wargeyska Financial Times u arko caddayn muujinaysa in Moscow ay horey u bilowday tallaabooyin ay ku xoojineyso joogitaankeeda gobolka.

Wargeysku wuxuu soo xigtay xoghayaha guud ee NATO oo sheegay inuusan filayn in Ruushku weerar bilaabo wakhti dhow, halka taliye ku xigeenka ciidanka difaaca Finland, Janaraal Kari Nisula, uu sheegay inuusan ka walwalayn goorta ay dhici doonto weerar, isagoo xusay in taariikhda boqolaal sano ah ay mar walba ahayd sidaas wuxuuna yiri “ma aha in weerar dhici doono, balse waa goorma,” laakiin “waan u diyaar garoobayaa maalin walba.” Dalka Finland, oo qayb ka ah NATO, ayaa horey dhul waxaa uga qabsaday Ruushka. Inkastoo uu iska difaacay Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Jiilaalka 1929-1940, Finland waxay lumisay ku dhawaad 10% dhulkeedii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Tan iyo markii dagaalkaasi dhammaaday 80 sano ka hor, Finland waxay si tartiib tartiib ah isu diyaarinaysay weerar kale oo Ruushka ka yimaada, iyadoo xudduudda laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan oo sii kordhaya balse Finland waxay rumeysan tahay in Ruushka uu sannado u baahnaan doono si ay u helo awood buuxda kadib dagaalka Ukraine. In kasta oo halkudhigga cusub ee NATO uu yahay in la difaaco “taakada ugu horreeyay ee dhulka,” haddana qorshaha difaaca waxaa muuqata in ku-meel-gaar ahaan la oggolaan karo in dhul ka mid ah Finland la siiyo si istiraatiiji ah.

Jarmo Lindberg, wasiirkii hore ee difaaca Finland iyo haatana ah xildhibaan, ayaa sheegay in dalkiisu haysto shidaal iyo saliid 6 bilood ah iyo raashid 9 bilood ah, isla markaana heshiisyo la galay shirkado maxalli ah si ay wax-soo-saarkooda ugu beddelaan baahiyaha dagaalka haddii loo baahdo. Dadka Finland waxay sidoo kale rumaysan yihiin in goobtooda istiraatiijiga ah ee u dhaxeysa Arctic iyo Badda Baltiga ay tahay mid Mareykanka ku qasbeysa inuusan dayicin. Wargeyska wuxuu sheegay in Trump uu si cad u sheegay in Arctic ay muhiim u tahay amniga Mareykanka.

Nabad xun iyo halis degdeg ah
Saddexda waddan ee Baltic-ga Estonia, Latvia, iyo Lithuania ayaa loo arkaa meelaha ugu nugul weerar ka yimaada Ruushka. Taasi waxay salka ku haysaa taariikh, iyadoo afartameeyadii ay ka mid ahaayeen Midowgii Soofiyeeti, balse sababta ugu weyn waxay tahay in dalalkaasi yaryar yihiin oo go’doon yhiin, sida ay sheegtay jarriirada Financial Times.
Agaasimaha Xarunta Difaaca iyo Amniga Caalamiga ah ee Estonia, Kristi Raik, ayaa ka digtay in haddii aan si xooggan looga jawaabin gardarro cusub oo Moscow ka timaadda, ay micnaheedu noqon doonto dhammaadka isbahaysiga. Waxayna tiri: “Wax walba waxay ku xiran yihiin sida uu Putin isu kalsoonaado marka uu eegayo natiijada dagaalkiisa Ukraine.”

Haddii Mareykanku ku qasbo Ukraine nabad “xun,” oo loola jeedo in Ruushka loo tanaasulo waxay tiri, Ruushka wuxuu dareemi doonaa in uu saxan yahay — “taasna waxay kordhin doontaa khatarta amnigeenna.” Waxay arrinta ku soo koobtay hal su’aal muhiim ah:
“Sidee ayuu Ruushku u qiimeeyaa go’aanka NATO ee ka jawaabista weerar kasta oo uu damco?”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed