Telefishinka CNN ayaa ku warramay, isagoo soo xiganeya saraakiil Mareykan ah oo xog-ogaal ah, in xog sirdoon oo cusub oo ay heleen Mareykanku ay muujineyso in Israa’iil ay u diyaargarowday inay weerar ku qaaddo xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, sidoo kale macluumaadkan waxaa qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
CNN oo soo xiganaya saraakiishaas, ayaa intaasi ku dartay in weli aysan caddayn in hoggaanka Israa’iil uu gaaray go’aankii ugu dambeeyay.
Ilo wareed dhanka Israa’iili ah ayaa u sheegay CNN in Israa’iil aysan aqbali doonin wax loogu yeeray “heshiis xun” oo lala gaaro Iiraan. Ilo wareedkaasi waxay adkaysay in “Israa’iil si gaar ah iskeed u diyaarinayso inay weerarto Iran.”Tani waxay imaanaysaa iyadoo xukuumadda Madaxweyne Donald Trump ay isku dayeyso inay heshiis diblomaasiyadeed la gasho Tehran.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerar noocaas ahi uu noqonayo mid si weyn uga duwanaanaya siyaasadda Trump, isla markaana uu hurin karo dagaal ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe taasi oo Mareykanku uu ka fogaanayay tan iyo markii dagaalkii Qaza uu uga sii daray xiisadda gobolka sannaddii 2023-kii.
Saraakiishu waxay sheegeen in aysan jirin caddeyn la hubo oo muujinaysa in hoggaanka Israa’iil uu go’aansaday inuu weerarka fuliyo, waxayna xuseen in xukuumadda Mareykanka ay ku kala aragti duwan yihiin suurtagalnimada ah in Israa’iil ay tallaabadaas qaadayso. Go’aanka suurtagalka ah ee Israa’iil wuxuu si weyn ugu xirnaan doonaa qiimeynta natijada ka soo baxda wada-hadallada Mareykanka iyo Iiraan ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka.
Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal u ah sirdoonka Mareykanka, “suurtagalnimada ah in Israa’iil ay weerarto xarun nukliyeer oo Iiraan leedahay aad bay kor ugu kacday bilooyinkii u dambeeyay. Haddii la gaaro heshiis u dhexeeya Trump iyo Iiraan oo aan gebi ahaanba meesha ka saarayn uranium-ta Iiraan, suurtagalnimada weerar way sii kordhi doontaa.”
Saddex ilo Iiraaniyiin ah ayaa Talaadadii sheegay in hoggaanka Iiraan uusan lahayn qorshe kale oo cad haddii dadaallada lagu xallinayo khilaafka nukliyeerka ay burburaan, iyadoo wada-hadalladii Tehran iyo Washington ay istaageen sababo la xiriira xiisad ka dhalatay kobcinta uranium-ta.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Iiraan ay u leexan karto Shiinaha iyo Ruushka oo noqda “Qorshaha B,” haddii ay carqaladdu sii socoto. Laakiin iyadoo dagaal dhaqaale u dhexeeyo Beijing iyo Washington, iyo Moscow oo mashquul ku ah dagaalka Ukraine, qorshaha kale ee Tehran wuxuu u muuqdaa mid jilicsan.
Sarkaal sare oo Iranian ah ayaa yiri: “Qorshaha B waa in la sii wado istiraatiijiyaddii ka hor inta aan la bilaabin wada-hadallada. Iran waxay iska ilaalin doontaa kacsanaan cusub, waxayna diyaar u tahay inay isdifaacdo. Istiraatiijiyadduna sidoo kale waxay ka mid tahay xoojinta xiriirka saaxiibada sida Ruushka iyo Shiinaha.”
Hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ali Khamenei, ayaa laga soo xigtay warbaahinta dowladda isagoo sheegaya in dalabka Mareykanka ee ah in Tehran ay joojiso uranium-ka ay kobcineyso uu yahay “mid xad-dhaaf ah oo loogu gafayo,” isaga oo muujiyay shakiyo ku saabsan in wadahadallada nukliyeerka ay horseedi doonaan heshiis.
Kadib afar wareeg oo wadahadal ah oo lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan taa beddelkeedana Iiraan laga qaado cunaqabataynta, caqabado badan ayaa weli hortaagan heshiis la gaaro. Labo sarkaal oo Iiraaniyaan ah iyo diblomaasi reer Yurub ah ayaa sheegay in Tehran ay diiday in dhammaan kaydkeeda uranium-keeda dibedda loo raro, ama inay ka wada hadlaan barnaamijkeeda gantaallada ballistic-ga.
Kalsooni darrada labada dhinac iyo go’aankii Madaxweyne Trump ee ahaa inuu ka baxo heshiiskii 2015 ee ay Iiraan la gashay quwadaha adduunka, waxay ka dhigtay arrin aad muhiim u ah in Iran hesho dammaanad qaad ah in Mareykanku aanu dib uga laaban doonin heshiis cusub mustaqbalka.
Caqabadaha hor yaalla Tehran waxaa sii adkaynaya dhibaatooyinka sii kordhaya ee haysta nidaamka wadaaddada ee Iiraan oo ay ka mid yihiin yaraanta tamarta iyo biyaha, hoos u dhaca qiimaha lacagta, khasaaraha milatari ee saaxiibadooda gobolka, iyo cabsi sii kordhaysa oo ku saabsan weerar Israa’iil ku qaaddo goobaha nukliyeerka taas oo sii xumaysay siyaasadda cadaadiska u badan ee Trump.
Iyadoo Trump uu si degdeg ah dib ugu bilaabay ololihiisii “cadaadiska ugu badan” tan iyo Febraayo, oo ay ka mid yihiin adkeynta cunaqabataynta iyo hanjabaadaha milatari, ayaa ilo-wareedyadu waxay sheegeen in hoggaanka Iran “uusan haysan ikhtiyaar ka fiican” heshiis cusub, si uu uga fogaado burbur dhaqaale oo gudaha ah oo khatar ku noqon kara jiritaanka nidaamkooda.
HBN ONLINE TV