Dunida maanta waxaa ka bilowday xuska dhammaadka Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo socday laga soo bilaabo sanaddii 1939-kii ilaa 1945-tii, iyadoo quwadihii guuleystayna ay u dabbaal-degayaan Maalinta Guusha iyo maalintii Jarmalkii Naasigu isu dhiibay ciidamada xulafada, oo ay ku jiraan Maraykanka & Midowgii Soofiyeeti
Magaalooyin dhowra, laga bilaabo London ilaa Moscow ayaa toddobaadkan qabanaya dhoolatusyo ciidan, kuwo hawada ah iyo xaflado xusuus ah, halka Jimcaha, oo ku beegan sannad-guuradii 80-aad ee Maalinta Guusha, Ruushku qabanayo dhoolatuska milateri ee ugu weyn oo lagu xusayo guushaas kaas oo lagu qabanayo Fagaareyaasha Cas ee caasimadda, iyadoo ay ka qayb galayaan 29 hoggaamiye oo caalamka ka kala yimid.
Xabbad-joojin saddex maalmood ah oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, taasoo u dhaxaysa Moscow iyo Kiev, ayaa dhaqan gashay waaberigii maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale Arbacadii soo saaray warbixin rasmi ah maanta waqtiga Maraykanku xusayo guushii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, sida ay dalalka Yurub horeba u sameeyeen.
Jarmalka ayaa si rasmi ah u xusaya dhammaadka Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo xornimadii laga helay hoggaamiyihii Naasiga Adolf Hitler, oo xukunka hayay 80 sano kahor, munaasabadda xuska ayaa lagu qababtay galabta aqalka barlamaanka jarmalka Bundestag-ga.
Xusuus u dhexeysa laba maalmood
Dagaalkii burburiyay magaalooyinka waaweyn ee Yurub wuxuu ku dhammaaday is-dhiibis shuruud la’aan ah oo ay sameeyeen ciidamada Naasigii Jarmalka, taasoo dhaqan gashay 8-dii bishii May, 1945, ka dib markii ciidamada Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwa Midowgii Soviet-ka ay qabsadeen galbeedka iyo bariga Jarmalka, dagaallo khasaaro badan sababay kadib.
Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuu Yurub ka dhammaaday maalintaas, halka dagaalkii Japan uu ka sii socday Bariga Fog. Sida lagu qiyaasay, Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo uu hoggaaminayay Hitler ayaa sababay dhimashada inta u dhaxaysa 50 ilaa 60 milyan oo qof adduunka oo dhan ah, kuwaasi oo intooda badan ahaayeen dad rayid.
Midowgii Soofiyeeti wuxuu dagaalka ku waayay 27 milyan oo qof, oo ay ku jiraan malaayiin reer Ukraine ah, balse ugu dambayn waxay ciidamadkii Naazi-gii Jarmalka ku jabeen Berlin, halkaas oo uu Hitler isku dilay, calankii guusha ee Soviet-ka casna laga taagay bishii May 1945 dhismaha Reichstag oo ah baarlamaankii Nazi-ga.
9-ka May ayaa loo arkaa maalin qaali ah dad badan oo Ruushka ah iyo qaar ka mid ah ummadihii hore ee Midowgii Soofiyeeti, waxaana Putin, oo caro ka qaba waxa uu ugu yeero isku dayada reer galbeedka ay ku yareynayaan guushii Soviet-ka, uu xasuustaas u adeegsaday mideynta bulshada Ruushka.
Is-dhiibistii shuruudda la’aanta ahayd ee Jarmalka Naasiga waxay dhaqan gashay 11:01 habeenimo 8-dii May, 1945, waxaana Britain, Maraykanka iyo Faransiiska u dabaal-degaan “Maalinta Guusha ee Yurub.”
Moscow gudaheeda, 9-ka May waxey u tahay “Maalinta Guusha” ee Midowgii Soofiyeeti, taasi oo Ruushka looga yaqaano magaca “Maalinta Guusha Dagaalkii Waddaniga Weyn ee sanadihii 1941-dii ilaa 1945-tii.”
HBN ONLINE TV