Laftagareen oo shir xasaasi ah isu yeeray Xildhibaannada ku matala DFS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan isugu yeeray Xildhibaannada deegaannada maamulkaasi ka soo gala Baarlamaanka 11aad ee Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku matala.

Inta laga og yahay xogta kulankan ayaa looga tashan doonaa Mustaqbalka deegaannada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyada oo uu saaran yahay cadaadis la xiriira joogitaanka Ciidanka Itoobiyaanka sida ay warbaahinta madaxa banaan ku heshay xogta oo ilo ku dhow kulankaan ah.

Madaxweyne Laftagareen ayaa doonaya in uu Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka u sheego arrimaha la gudboon mar haddii Dowlad oboleedkaas uu u arko in ay ku tiirsan yihiin Ciidanka Itoobiya oo bixitaankooda saameyn ku reebi karto, iyada oo lagu bedelayo Ciidamada Masar.

Shirka ayaa la filayaa in Xildhibaannada Federaalka ay dhankooda madasha la tegi doonaan sida ay u arkaan arrintaan, tallaabooyinka dowladda uga falcelineyso xadgudubka gurracan ee Itoobiyaanka iyo waxyaabaha la sameyn karo haddii ay dhacdo in Ciidankaas ay baxaan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo shalay boqalaal shacab iyo masuuliyiin kula hadlay magaalada Baydhabao ayaa sheegay in uu ku aragti yahay sida hadalka uu u dhigay xildhibaannaddii iyo shacabkii taageerada u muujiyey Ciidamada in ay joogaan deegaannada maamulkaasi, iyada oo 25-ka xildhibaan ku tilmaamay in ay ula mid yihiin 13-kii SYL.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed