Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 14 qof ay ku geeriyoodeen 43 kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn Israa’iil ay ka gaystay deegaanka Masyaf ee duleedka magaalada Xama ee Galbeedka dalka Suuriya.
Warbaahinta Suuriya oo soo xigatay – Agaasinka Caafimaadka ee xama ayaa ku waranatay in dadka dhaawaca qaar xaaladoodu liidato ayna suuragal tahay in dhimashadu ay intaasi ka badato. Telefeshinka dowladda Suuriya ayaa sheegay in “dab weyn uu ka kacay deegaanka Xayr Cabbaas oo ka tirsan goobta la duqeeyay taas oo ka dhalatay weerarka Israel”.
Dhanka kale, warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in ciidamada difaaca cirka ay iska caabiyeen tiro gantaallo ah oo qayb ka ahaa weerarrada Israaiil,” iyadoo intaas ku dartay in duqeymaha Israa’iil ay la beegsatay xarunta cilmi-baarista sayniska iyo xarumaha sheybaarka difaaca ee ku yaalla agagaarka Masyaf.
Wasaaradda Warfaafinta ee Suuriya ayaa sheegtay in difaaca cirka ay iska caabiyeen “gardarrada lagu bartilmaameedsaday dhowr goobood oo ka tirsan gobolka dhexe ee dalka,” halka warbaahinta dowladda Suuriyana ay sheegtay in Israa’iil ay qaadday illaa 15 weerar oo ka dhacay gobollada dhexe.
Dhinaca kale, warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa –ilo-wareedyo ayaa tabisay in “Ciidanka Cirka ay qaadeen xalay iyo barqadii maanta 5 weerar oo lagu qaaday goobo ku yaalla gudaha Suuriya,” iyadoo “goobaha lala beegsaday ee ku yaal gudaha dalka Suuriya, oo ay ku jirto xarun horumarinta Hubka wax gumaada ee Masyaf xama” sida hadalka loo dhigay.
Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa cambaareysay weerarka lagu bartilmaameedsaday dhulka Suuriya, waxayna sheegtay in “Dambiyada Israa’iil aysan ku koobnayn Falastiin oo keliya.”
Wasaaradda arrimaha dibadda ma aysan xaqiijin in waxa la bartilmaameedsaday ay tahay xarun xiriir la leh Iran oo ku taal Suuriya, iyadoo xustay in isku dayga Israa’iil ay ku xiriirinayso dhacdo kasta oo ka dhacda dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto in ay tahay isku day ay kaga baxsanayaan runta. Tehran ayaa sheegtay in la joogo waqtigii ay taageerayaasha Israa’iil ay joojin lahaayeen hubka ay siinayaan.
Sanadihii u dambeeyay Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday dalka Suuriya, taasi oo qeyb ka ah waxa ay ku sheegtay olole ay kaga hortagayso in Iran ay soo dhex geliso ciidamadeeda halkaas ku sugan, halka maamulka Suuriyana ay marar badan wacad ku mareen in ay ka aargudan doonaan weerarrada israaiil.
Horraantii bishii Abriil, weerar ay Israa’iil qaadday ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iiraan ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay la-taliyayaal ciidan oo Iiraaniyiin ah, taas oo keentay in Tehran ay kaga jawaabto weerarro aan horay loo arag oo lala beegsaday Israa’iil.
HBN ONLINE TV

