54 qof oo lagu dilay duqeyn ciidamada RSF ka gaysteen magaalada Omdurman

Ugu yaraan 54 qof ayaa lagu dilay duqeyn ay ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ka geysteen suuq ku yaal magaalada Omdurman, gobolka Khartoum.
Hawlwadeennada caafimaadka oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP, in dhaawacyadu “wali ay soo gaarayaan isbitaalka”.

Dhinaca kale, ciidamada Sudan ayaa saaka waaberigii weerar ku qaaday difaacyada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee ku sugnaa magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Jasiira.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanka ay ku guuleysteen inay horumar ka sameeyaan galbeedka magaalada Hassahisa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Jasiira ka dib markii difaacyadii Gurmadka Degdegga ah ay isku dhiibeen aagga Wadi Shair ee ku dhow Hassahisa.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Sudan ay waaberigii Sabtida weerareen fariisimo ay lahaayeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee magaalooyinka Rifaa iyo Arbaji ee gobolka Jasiira, kuwaasoo qiyaastii 20 km waqooyi kaga beegan magaalada Wad Madani.

Weeraradan cirka ah waxaa wehliyay guulo ay ciidanka Sudan iyo kuwa taageeraya ay ka gaareen aagga bari ee gobolka Jasiira, iyagoo doonaya inay xoojiyaan gacan ku haynta iyo horusocodkooda dhanka waqooyi.
Gobolka Jasiira ayaa waxaa ka socda dagaallo culus tan iyo Jimcihii, waxaana ilo dhanka ammaanka ah ay sheegeen in ciidanka ay gaareen duleedka magaalada Rifaa, waxaana laga yaaba in ay gudaha u galaan saacadaha soo socda.

Ilo maxalli ah ayaa u sheegay warbaahinta in difaacyada lidka diyaaradaha ee qeybta shanaad ee ciidanka lugta ay ka hortageen illaa 10 diyaaradood oo drones ah oo ay ciidamada RSF ku weerareen magaalada El-Obeid, ee caasimadda gobolka Kordofaan Waqooyi.
Ilo wareedyadaasi waxay sheegeen in burburka ka dhashay mid ka mid ah weerarradaasi uu sababay dhimashada qof shacab ah oo ku sugnaa magaalada.

Dhinaca kale, ciidamada RSF ayaa bayaan ay soo saareen Jimcihii ku cambaareeyay dilka Axmed Al-Tayeb Obaidallah, oo ahaa agaasimaha waxbarashada degmada Um Rawaba ee gobolka Kordofaan Waqooyi.
Ciidamadaasi waxay ku eedeeyeen dhinaca kale inay si ” naxariis darro ah” u dileen shakhsi caan ku ah waxbarashada iyo aqoonta, iyagoo ballanqaaday inay xoojin doonaan dadaalkooda lagu burburinayo awoodda ciidan ee ku sugan Port Sudan.

Tan iyo bishii Abriil 2023, Sudan waxaa ka socday dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhexeeya ciidamada milatariga ee uu hoggaaminayo Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee uu hoggaamiyo ku xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti”.

Labada dhinac waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, gaar ahaan dilka shacabka, duqeynta aan loo meel dayin ee guryaha, suuqyada iyo isbitaallada, iyo carqaladeynta gargaarka bani’aadamka.

Dagaalka Sudan wuxuu horseeday musiibo bani’aadanimo oo ballaaran, iyadoo tobanaan kun lagu dilay, in ka badan 12 milyan lagu barakiciyay, halka malaayiin dad ah ay qarka u saaran yihiin macaluul.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed