In ka badan 450,000 oo qof ayaa isugu soo baxay buundada Galata ee magaalada Istanbul Maalinta koowaad ee Sanadka Cusub si ay taageero ugu muujiyaan Falastiin.
Ka qaybgalayaasha ayaa kasoo dhaqaaqay masaajidda ku yaalla xeendaabka taariikhiga ah iyo meelaha ka baxsan, iyagoo u socdaalayay buundada kadib salaadda subax, iyagoo u adkeysanayay qabowga xilliga jiilaalka, waxayna lulayeen calanka Turkiga iyo Falastiin. Isu soo baxaan waxaa soo qabanqaabiyay Madasha Rabitaanka Qaran oo ah isbahaysi ka kooban 308 hay’adood oo aan dowli ahayn.
Dibadbaxayaasha oo ay ka mid yihiin waayeel, haween, iyo carruur, ayaa ducaynayay reer Falastiin iyagoo ALLE ka baryaya in la joojiyo “xasuuqa” Israa’iil ee Falastiin, waxaya isku fiditeen buundada oo ku fidsan marinka caanka ah ee Dahabiga ah ee loo yaqaan Golden Horn, waxaana ay dalbanayeen tallaabo caalami ah oo ka dhan ah gaboodfallada socda.
Bartamaha buundada, waxaa ku dhegganaa boor weyn oo ku qornaa: “Jooji Xasuuqa Gaza” oo lagu qoray afafka Turkiga iyo Ingiriisiga, waxaana ag surnaa callamada Turkiga iyo Falastiin, iyadoo sidoo kale la dhigay shaashado waaweyn iyo nidaam cod-dhaameed oo goobta lagu rakibay.
Xubno ka tirsan hay’ado samafal oo Turkish iyo shisheeye ah, iyo sidoo kale u doodeyaasha xuquuqda aadanaha, ayaa hadallo ka jeediyay goobta.
Bilaal Erdogan, oo ah guddoomiyaha Guddiga sare ee Madasha Rabitaanka Qaran kana mid ah aasaasayaasha ururka, ayaa ka sheegay goobta isu soo baxa in falalka Israa’iil ee Gaza ay yihiin xasuuq joogto ah iyadoo maanta ay tahay maalintii 453-aad maalmood ee dagaalka.
Wuxuu xasuusiyay ka soo qayb galayaasha sidii Israa’iil u laysey dhallaanka, carruurta, haweenka, waayeelka, dhakhaatiirta, suxufiyiinta, iyo shaqaalaha gargaarka, iyadoo sidoo kale bartilmaameedsatay dugsiyada, masaajidda, iyo kaniisadaha.
Bilaal ayaa sheegay in reer Galbeedka ceeb ka raacday Qasa, isagoo is waydiiyay joogaan xuquuqda aadanaha? aaway xuquuqda carruurta? Aaway xuquuqda haweenka? aaway xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka? Wuxuuna yiri “Dhammaan qiyamka Galbeedku waxay ku dhinteen Gaza iyo Galbeedka.”
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin: “Israa’iil waa in lagula xisaabtaama dilka” iyo “Shuhadadu ma dhintaan.”
Xigasho: Anadolu