40 qof oo lagu dilay duqeyn RSF ka gaysatay magaalada Al Faashir ee dalka Suudaan

Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in 44 qof oo shacab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Al Faashir ee waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan.

Warbaahinta militariga ayaa sheegtay in cutubka lixaad ee ciidamada lugta ee RSF ay duqeeyeen saddex xaafadood oo ku yaalla Al Faashir, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, taasoo sababtay dhimashada 40 qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, iyo dhaawaca 32 kale.

Warbaahinta militariga ayaa intaa ku dartay, qoraal lagu daabacay Facebook, in duqeynta ay dhacday fiidnimadii Axadda oo bartilmaameedsatay xaafado ku yaalla dhinaca koonfur-galbeed ee magaalada.

Ibraahim Khater, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Waqooyiga Darfur, ayaa sheegay in 10 carruur ah ay dhaawacmeen Axaddii galbeedka Al Faashir, islamarkaana lagu daweeyey isbitaalka MSF ee xerada Zamzam.

Khater wuxuu intaa ku daray in aysan awoodin in ay u daabulaan carruurta dhaawaca ah Al Faashir si ay u helaan daryeel caafimaad, sababo la xiriira go’doominta ay magaalada ku hayaan waxa uu ugu yeeray maleeshiyada Gurmadka Degdegga ah ee RSF, oo bartilmaameedsaneysa gaadiidka dhaqdhaqaaqa sameynaya iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drone-ka, taasoo uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo dambi ka dhan ah shacabka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, xaafadaha, xeryaha barakacayaasha, iyo isbitaallada Al Faashir ayaa la duqeeyay, waxaana la dilay tiro badan oo shacab ah. Ciidanka Suudaan ayaa RSF ku eedeeyay in ay beegsanayaan shacabka magaalada, eedeyntaas oo ay RSF beenisay.

Tan iyo bartamihii sanadkii hore, RSF waxay go’doomisay Al Faashir, iyada oo dhowr jeer isku dayday in ay qabsato, balse aysan ku guuleysatay. Dagaalka ayaa dhawaanahan si weyn ugu xoogeystay agagaarka magaalada.

Ciidanka iskaashanaya ee dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee la dagaallamaya ciidanka Suudaan ayaa sheegay in RSF ay xoojisay weerarka ay ku hayso Al Faashir hal maalin kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar dalbanaya in la joojiyo weerarka isla markaana laga qaado go’doominta magaalada.

Dhinaca kale, ilo ciidan oo ka tirsan ciidanka Suudaan ayaa sheegay in ciidanka oo taageero ka helaya xoogag isbahaysi la ah – ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Wad al-Majidi oo ku yaalla degmada al-Kamleen, oo dhacda waddada galbeed ee isku xirta magaalada Wad Madani caasimadda gobolka Jasiira iyo Khartuum. Wad al-Majidi waxay qiyaastii 100 km u jirtaa caasimadda Suudaan.

Tan iyo bishii Abriil 2023, Suudaan waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka qaranka iyo RSF, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof, islamarkaana ay barakaceen ku dhawaad 14 milyan, sida ay sheegayaan xogta Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah. Warbixino kale waxay muujinayaan in khasaaraha dhabta ah uu aad uga badan yahay intii la shaaciyay.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed