IGAD oo yeelanaya shir deg deg ah, xili gobolku ku jiro marxalad  xasarado amni darro ah

Waxaa bartamaha bishaan September lagu wadaa in Urur Goboleedka IGAD ay kulan degdeg ah ku yeeshaan Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo shirka looga hadlayo xaaladaha ka taagan dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida iyo iskaashiga guud ahaan gobolka.

Soomaaliya oo ka qeyb ah ayaa ka qeyb gali doonta, iyada oo la filayo in lagu soo qaado amniga iyo mustaqbalka howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM, xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo go’aamo ay ugu diyaar garoobeyso in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, gaar ahaan iyadoo Uganda ay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya sannadka 2027 marka la gaaro.

Kulanka oo noqonaya kalfadhiga 74-aad ee caadiga ahayn ee IGAD, ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Wasiirrada ayaa ka arrinsan doona arrimaha siyaasadda iyo amniga, waxaana qodobada ka soo baxa loo gudbin doonaa madaxda dalalka IGAD.

Sidoo kale, IGAD ayaa taageero u muujisay ciidamada Soomaaliya, iyadoo qaar kamid ah dalalka xubnaha ka ah ururka ay horey u ballanqaadeen inaysan ciidamadooda kala bixi doonin Soomaaliya illaa laga gaarayo ujeeddooyinka loo keenay iyo xoojinta amniga dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed