Masuuliyiinta Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa sheegay in colaadaha ay yihiin sababta ugu weyn ee keenta gaajada adduunka, iyaga oo xusay in gaajada mararka qaar loo adeegsado hub ahaan. WFP ayaa digniin ka bixisay in wareegga u dhexeeya colaadaha iyo gaajada uu sii xoogeysanayo.
Agaasimaha ku-meelgaarka ah ee WFP, Carl Skau, ayaa sheegay in calaamadaha digniintu ay ka muuqdaan dalal ay ka mid yihiin Suudaan, , Soomaaliya, Yemen iyo Falastiin oo laga xusay marinka Gaza, halkaas oo qoysas badan ay wajahaan xaalado adag. Wuxuu sheegay in dadka marka ay waayaan cunto ay wajahayaan doorashooyin adag oo ay ka mid yihiin gaajo, barakac ama kacdoon.
Carl Skau ayaa sheegay in uu xaaladda Soomaaliya si toos ah ugu arkay toddobaadkii hore, isagoo tilmaamay in qoysas ay colaadaha iyo abaaruhu barakiciyeen ay mar kale wajahaan gaajo aad u daran. Wuxuu sheegay in sugidda ku dhawaaqista macaluul ay tahay fashil weyn oo dhanka waajibaadka ah.
Sidoo kale, WFP ayaa ka digtay in carqaladaha ka dhasha colaadaha ee ku yimaada shidaalka, bacriminta, badarka, maraakiibta iyo waddooyinka gargaarka ay kordhin karaan qiimaha cuntada, yareyna karaan wax-soo-saarka beeraha, isla markaana saameyn ku yeelan karaan dadka kumannaan mayl u jira goobaha colaadaha.
Hay’addu waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka iyo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay ilaaliyaan shacabka iyo shaqaalaha gargaarka, fududeeyaan gaarsiinta cuntada iyo gargaarka bani’aadannimo, isla markaana maalgelin iyo xalal siyaasadeed u helaan colaadaha. WFP waxay sheegtay in hay’adaha gargaarku aysan beddeli karin tallaabada siyaasadeed ee loo baahan yahay si looga hortago gaajada loona gaaro nabad iyo xasillooni.
HBN ONLINE TV

