Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo baabi’isay natiijada doorashadii Galmudug

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta baabi’isay natiijadii doorashadii isku sidkaneed ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Maamulka Galmudug, iyadoo amartay in dib loogu laabto doorashada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in doorashadii 30-kii Luulyo 2026 ee ka dhacday Galmudug aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.

“Maxkamaddu, kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada dacwadda, isla markaana ay qiimeysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay, waxay go’aamisay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan lahayn jiritaan sharci ah” ayaa lagu yiri warka Maxkamadda.

Sidoo kale, Guddoomiye Baashe ayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka faray inuu dib ugu laabto doorashada, isagoo sheegay in khaladaadkii dhacay ay yihiin kuwo aan la sixi karin, isla markaana ay dhaawaceen kalsoonida bulshada ee hannaanka doorashada.

“Iyada oo lagu salaynayo qodobka 82-aad iyo sharciga doorashooyinka iyo mabaadi’da doorasho xor, xalaal iyo caddaalad ah, Maxkamaddu waxay go’aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee 30-ka Luulyo 2026 ka dhacay Dowlad-goboleedka Galmudug aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, natiijadeedu waa mid aan ansax ahayn oo waxba kama jiraan,” ayuu yiri Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Galmudug ay horay u diideen natiijadii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay in hannaanka doorashada aan loo maamulin si caddaalad iyo hufnaan leh.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed