Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlay xaaladda amniga guud ee deegaannada maamulka, gaar ahaan Baydhabo, maalmo kadib weerarkii ka dhacay magaalada oo sababay khasaare dhimasho iyo dhawaac.
Shirka ayaa la tilmaamay in diiradda lagu saaray qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga & sidii ciidamada ammaanka loogu diyaarin lahaa ka hortagga weerarrada iyo falalka ay Alshabaab ku beegsanayaan sida hadalka loo dhigay shacabka & goobaha muhiimka ah.
“Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga, iyo sidii ciidamada ammaanka loogu diyaarin lahaa ka hortagga weerarrada iyo falalka argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka iyo goobaha muhiimka ah” ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, warka ayaa intaasi ku daray in Hoggaamiye Aadan Madoobe uu hay’adaha amniga faray inay laba jibaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka, isagoo bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo gudbiyaan xogta la xiriirta amni-darrada.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha hay’adaha amniga, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada.
HBN ONLINE TV

