Dowladda Soomaaliya oo war culus ka soo saartay abaaraha dalka ka jira

Ra’iisul Wasaare, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir-guddoomiyey kulan uu maanta la Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka Soomaaliya oo la sheegay inuu ahaa kii ugu horeeyey, kaas oo looga hadlay xaaladda abaaraha dalka iyo khatarta fatahaado culus oo laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka Dayrta ee la filayo inay dhowaan ka da’aan qeybo ka mid ah dalka.

Xamsa ayaa guddiga faray inay shacabka ka wacyigeliyaan khataraha fatahaadaha, gaar ahaan dadka ku nool hareeraha wabiyada iyo dhulka biyo-mareennada ah, isla markaana ay u diyaar garoobaan xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale, Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay sida la tilmaamay warbixinno ku saabsan qorshayaasha loogu diyaar-garoobayo wax ka qabashada masiibooyinka iyo wacyigelinta dadka ku nool deegaannada halista ugu jira fatahaadaha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray guddiga inay xoogga saaraan isku-duwidda howlaha gurmadka, isla markaana abaabulaan deeq-bixiyeyaasha iyo ganacsatada Soomaaliya──si gurmad loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed