Puntland oo war kasoo saartay weerarrada Burcad-badeedda gobolka Bari

Maamulka Puntland oo ka hadlay weerarrada iyo afduubka ay kooxaha Burcad-badeeddu ka geysanayaan deegaannada maamulka ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay dabagal ku hayaan dadka ku lugta leh falalkaasi.

Puntland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay gacan ka geysato soo afjaridda kooxaha Burcad-badeedda, gaar ahaan gudaha deegaannadeeda iyo xeebaha ay kooxahaasi saldhigyada ku leeyihiin.

Sidoo kale, Maamulka ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo duqeymaha ay maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ka fulinayaan meelaha u dhow xeebaha, kuwaas oo Puntland ay sheegtay inay khatar ku yihiin shacabka iyo hantidooda.

“Puntland waxay ka soo horjeedaa duqeymaha ay maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ku beegsanayaan dadka shacabka ah iyo hantidooda ee deeganada u dhow xeebaha lagu haysto maraakiibta u afduuban Burcad-badeedka” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa soo badanayay weerarrada ay kooxaha Burcad-badeeddu ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya, waxaana laga digayaa khatarta ka dhalan karta dib usoo laabashada kooxihii Burcad-badeedda ee sanadihii hore awoodda ku lahaa xeebaha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed