Doorashadii golayaasha deegaanka & Wakiillada ee Hirshabeelle oo dib u dhac kale wajahday

Guddiga Doorashaooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Maamulka Hirshabeelle oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo 20-ka bishan.

War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in dib-u-dhigista doorashada ay sabab u tahay baahida loo qabo in la dhammaystiro qaar ka mid ah howlaha doorashada ee weli socda. Bayaanka Guddiga ayaa la raaciyey in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay weli ka socoto afar degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, taas oo qeyb ka ah sababaha keenay dib-u-dhigista.

Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in ururrada siyaasadda loo baahan yahay in la siiyo fursad ay taageerayaashooda ugu diyaariyaan doorashada, isla markaana loo fududeeyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta u tartamaya kuraasta doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in labada toddobaad ee soo socda la filayo in la soo saaro jadwalka cusub ee doorashada Maamulka Hirshabeelle.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed