Markab nuuca shidaalka qaada ayaa la soo sheegayaa in lagu afduubtay gacanka Cadmeed, kaddib markii ay koox hubeysan oo ka kooban 6 qof ay gudaha u galeen markabka, isla markaana la wareegeen gacan ku hayntiisa.
Hay’adda Badaha Ingiriiska ee UKMTO ayaa sheegtay in markabka oo ku safrayay dhanka galbeed ee Gacanka Cadmeed loo weeciyay dhanka Soomaaliya.
Sidoo kale, UKMTO ayaa markii hore sheegtay in ay heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday meel qiyaastii 136 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan magaalada Mukalla ee Yemen, halkaas oo markabka lagu soo dhoweeyey Doon aan la oggolayn.
Hay’addu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada, sidoo kalena ma xaqiijin xaaladda markabka iyo shaqaalihii saarnaa.
Ilaa hadda lama oga halka saxda ah ee markabka loo weeciyay iyo xaaladda shaqaalaha saarnaa.
HBN ONLINE TV

