Mucaaradka oo Dawlada Soomaaliya ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shir ay maanta ku yeesheen magaaalda Muqdisho kusoo saaray bayaan ay kaga hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Mucaaradka ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay sida hadalka ay hadalka u dhigeen dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo, inkasta oo dowladdu ay dagaalkaasi ku eedeyssay Alshabaab iyo maleeshiyaad taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, in weerar isku dhafan ay ku qaadeen magaalada.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in dowladda ay mas’uuliyadeeda tahay dagaalkii shalay ee Baydhabo, isagoo tilmaamay in damiir xumo tahay in isha laga fiirsado fiirsano dhiiga ku daadanaya Koonfur Galbeed. Wuxuu ka digay in khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ay horseedi karaan kala fogaanshaha bulshada iyo dhaawaca dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Shariif Sheekh ayaa dowladda ugu baaqay inay dib u bilowdo wada-hadalladii siyaasadeed ee labada dhinac, si xal looga gaaro arrimaha xasaasiga ah ee taagan, kuwaa oo ugu culus yihiin doorashooyinka, amniga, dastuurka iyo khilaafaadka kala dhexeeya dowladda qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada. Mucaaradku waxay sheegeen in khilaafka sii socda uu khatar ku yahay xasilloonida iyo dowladnimada dalka.

“Madashu markale waxay  ku soo celinaysaa hanaanka wax ku socdaan dalkaan—waa hanaan keeni kara dowladnimada Soomaaliya inay burburto. In Soomaalida inta isla joogto markale kala tagto. Gogosha soo fariista oo ummaddan ha kala geynin” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Dhanka kale, Mucaaradka ayaa si adag uga hadlay murannada dhulka ee ka jira Muqdisho, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay dad iyo qoysas ka barakicineyso sida hadalka ay hadalka u dhigeen dhulal loo adeegsanayo danguud. Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa si gaar ah u dhaliilay habka loo maareynayo arrimaha dhulka.

Hadalada mucaaradka ayaa imaanaya xilli wada-hadallada siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka aysan weli kasoo bixin natiijo la taaban karo. Beesha caalamka ayaa iyaduna ku howlan dadaallada dhex-dhexaadinta, iyadoo dhinacyada ugu baaqaysa inay heshiis ka gaaraan mustaqbalka siyaasadeed iyo nooca doorasho ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed