Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in dilka Horjooge sare oo Alshabaab ah Shabeellaha dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay dilka Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaanay Xasan Xusuleey, kaas oo ka tirsanaa Alshabaab isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay kooxda.

War saxaafadeed ka soo baxay Gaashaandhigga ayaa lagu sheegtay in 2 dhalinyaro xoolo-dhaqato ah, kuna sugan degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ay dileen Xasan Xusuleey oo da’diisu ahayd ku dhawaad 50 sano. Dhalinyarada ayaa sidoo kale ka qaatay qori AK-47 ah oo uu watay.

Xasan Calasow Raage ayaa la sheegay inuu kamid ahaa madaxda Sakawaadka ee Alshabaab, isagoo xilkaas kasoo qabtay degmada Ruunirgood iyo xilal kale oo kooxda ah. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay bogaadinayso tallaabada dhalinyarada, iyadoo ku tilmaantay mid qayb ka ah dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Wasaaraddu waxay dadka deegaanka ugu baaqday inay sii xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo Macawiisleyda, si looga hortago khataraha kooxda.

Deegaanno ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa muddooyinkii dambe laga waday howlgallo ka dhan ah Alshabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed