Kooxo Burcad-badeed ayaa lagu soo waramayaa in markab xamuul ah ku qafaasheen xeebaha Soomaaliya, sida ay maanta sheegeen hay’adaha la socda ammaanka badda, iyadoo dhacdadani ay tahay tii ugu dambeysay ee la xiriirta weerarrada burcad-badeednimada oo dib uga soo cusboonaaday Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay digniino ay soo saareen UKMTO iyo Xarunta Ammaanka Badda ee Midowga Yurub ee Badweynta Hindiya, 8 qof ayaa fuulay oo la wareegay markab ganacsi oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan degmo xeebeed taariikhi ah ee Murcanyo ee gobolka Bari ee deegaanada Puntland. Magaladaan ayaa Waxay qiyaastii 127 kiiloomitir dhanka bari ka xigtaa magaalada ganacsiga ee Boosaaso.
Hay’adaha ayaa aan shaacin magaca markabka. Xarunta Yurub ayaa sheegtay in, “Shaqaalaha markabku ay hadda xaaladdoodu wanaagsan tahay.”
Burcad-badeednimadu waxay si weyn uga jirtay xeebaha Soomaaliya intii lagu jiray 10-kii sano ee ugu horreeyay qarnigan, iyadoo ay heerkii ugu sarreeyay gaartay 2011-kii, ka hor inta aysan si weyn hoos ugu dhicin kadib markii xeebaha Soomaaliya loo diray ciidamo badeed oo caalami ah, sidoo kalena shirkadaha maraakiibtu qaateen tallaabooyin cusub oo amni.
Hase yeeshee, burcad-badeedda Soomaalida ayaa sanadkan dib u bilaabay weerarradooda.
Bilihii Abriil iyo May, burcad-badeeddu waxay qafaasheen 3 markab oo shidaal iyo bacrimin siday, kuwaas oo weli lagu hayo xeebaha Soomaaliya. Bishii Luulyo ayay sidoo kale qafaasheen markab kiimiko siday oo ku sugnaa biyaha Yemen, kadibna u soo jiideen dhanka xeebaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

