Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isaga oo socdaal dhulka ah ku marayo deegaanno ka tirsan Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, kadib markii ay kasoo ambabaxeen Cadaado oo uu madaxweynuhu xalay ku hoyday.
Khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay garoonka Cabdullaahi Ciise ee koonfurta Gaalkacyo ayuu ku sheegay in shacabka aysan wax maslaxad ah ugu jirin colaad, xabad iyo qarax, isagoo xusay in Alshabaab iyo Daacish ay yihiin cadowga kaliya ee ay tahay in si wadajir ah loola dagaallamo.
“Colaad, xumaan, xabad, dil iyo qarax dhaca wax maslaxad ah oo ku jira haba yaraatee. Hal mid ayaa inaga istaahisha oo inaga mudan oo aan leenahay, cadowga Argagixisada Alshabaab iyo ISIS, intuba waa cadow” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay adkeeyeen ammaanka dhankeeda Gaalkacyo, iyadoo la hakiyay isku socodka labada dhinac ee magaalada.
Maamulka Puntland ayaa socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh horay ugu tilmaamay mid keeni kara sida ay hadalka u dhigeen qalalaase amni, xilli magaalada ay hore uga dhaceen dagaallo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamo ka tirsan PSF oo hoostaga Dowladda Federaalka, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eg dhinaca koonfureed ee Gaalkacyo, mana u gudbi doono dhanka waqooyi ee ay maamusho Puntland.
Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalku qeyb ka yahay safar nabadeed oo madaxweynuhu ku marayo Galmudug, si uu ugu kuurgalo amniga, xaaladda bulshada iyo horumarka deegaannada, iyadoo booqashadu ku soo beegantay xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.
Hbn Online Tv

