Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo sanadkan kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.
Xmasa ayaa ugu hambalyeeyay Hooyo Safiya dadaalka iyo juhdiga ay gelisay barbaarinta iyo waxbarashada wiilkeeda, isagoo ku tilmaamay inay tusaale u tahay hooyooyinka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu Maxamed Ciise ku ammaanay dadaalka uu sameeyay iyo guusha uu ka gaaray imtixaanka qaranka, isagoo sheegay in guushiisu muujinayso muhiimadda ay leedahay dadaalka waalidka iyo ardayga.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.
““Haddii tartan la galo in la guuleysto wax sahlan maha, runtii wax aad halkaas ku gaartay dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya, waxa aan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta kowaad uga horeysay taasi waxa ay cadeynasa sida ay waalidku u dadallaan ubadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hooyo Safiya ku abaalmariyay fursad shaqo oo rasmi ah oo dowladda ah, halka Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta 1-aad galay, dowladda ay u ballanqaadday inay ka bixiso kharashaadka waxbarashadiisa, iyadoo loo dirayo goobta waxbarasho ee uu doorto ama codsado.
HBN ONLINE TV

