Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno hubeysan oo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu saaka ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Iska hor-imaadka ayaa la sheegay inuu billowday, kadib markii ciidamo taabacsan Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Koonfur Galbeed ku lahaayeen magaalada abaara 5:00 subaxnimo ee saaka waaberigii.
Qaar ka mid ah xubnaha taageersan madaxweynihii hore ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaallo ay ku sheegayaan inay la wareegeen qaar ka mid ah xaafadaha Baydhabo, hase yeeshee sheegashadaas si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jiro war rasmi ah oo arrintaasi kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu fashiliyey weerar uu ku tilmaamay mid “Khawaarij” ay ku soo qaadeen magaalada Baydhabo. Taliska ayaa sheegay in kooxahaasi ay muddooyinkii dambe wadeen isku dayo lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida magaalada iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Goobjoogayaal ku sugan ayaa u xaqiijiyey Hbn Online Tv in dagaalka dhinacyada uu ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan tirada rasmiga ah si madaxbanaan loo xaqiijin karin.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegayaan in iska hor-imaadyo ay ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalada. Warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo cidda gacanta ku haysa goobaha lagu dagaallamay weli si rasmi ah looma xaqiijin.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

