Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay awaamiir culus oo ku aaddan dadka ka hor yimaada go’aanada iyo baaritaannada la xiriira amniga, kadib markii hay’adaha ammaanka lagu amray inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ka hor timaada ciidamada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab Sandheere, oo maanta hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin qofkii dambe oo diida inuu u hoggaansamo awaamiirta hay’adaha ammaanka, gaar ahaan marka loo yeero baaritaan la xiriira fal-dambiyeedyada. Wuxuu Ciidamada Booliska iyo Laanta dambi baarista ee CID-da uu faray inay soo qabtaan qofkii amar jabin lagu helo.
“Ciidamada Booliska waxaan farayaa tallaabo cad oo sharciga waafaqsan inay ka qaadaan ninkii diida, iyadoo ciidamada CID-da ee fal-dambiyeedka ka shaqeeya ay waraaq u qoreen oo ay u yeereen, haddana si cad u yiraahda ‘idiin imaan maayo’,” ayuu yiri Wasiir Sandheere.
Sandheere ayaa ciidamada ammaanka ku amray inay soo qabtaan qof kasta oo ka hor yimaada awaamiirta sharciga ah, isagoo sheegay in cidna aysan xaq u lahayn inay diido u yeerista ciidamada CID-da.
“Ciidamadu waxay ku amran yihiin inay sharciga mariyaan, soo qabtaan, tallaabo cadna laga qaado──Qof diidi karaa ma jiro, wax baa laga waydiinayaa, hadday ku cadaato iyo haddii aanay ku caddaanba su’aalo ayaa la waydiinayaa, laakiin ma dhici karto ninku inuu yiraahdo ‘u imaan maayo’,” ayuu sii raaciyay.
Awaamiirtan ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Somaliland uu bilihii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu xoogga saari doono adkeynta amniga iyo la tacaalidda falalka uu u arko inay khatar ku yihiin amniga iyo kala dambeynta deegaanadiisa.
HBN ONLINE TV

