Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta gaaray deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa halkaasi tababar ugu soo xiray cutubyo cusub oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaanno, saraakiil iyo marti-sharaf kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey goobta ayaa diiradda ku saaray horumarinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda ciidanka iyo diyaar-garowgooda.
Sidoo kale, Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay saraakiil la dalacsiiyay, halka ciidamadii tababarka qaatay ay sameeyeen dhoolatus ciidan iyo gaadda ka ciyaar.
Madaxweynaha ayaa tan iyo Jimcihii ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, isagoo halkaasi ka waday kulamo la xiriira xaaladda Gobolka Galgaduud.
HBN ONLINE TV

