Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya gaaray Wefti sare oo ka socda Qaramada Midoobay, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayaan madaxda maamulka iyo bulshada deegaanka.
Weftiga waxaa hoggaaminaya Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, George Conway.
Conway ayaa markii uu gaaray Laascaanood durba kulan hordhac ah la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo xafiiskiisa ku qaabilay.
Sidoo kale, Kulamada ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda bani’aadannimo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha gargaarka, horumarinta, iyo mashaariicda loogu talagalay bulshada deegaanka.
Socdaalka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu fududeeyo sida ilo madaxbanaan sheegeen howlgallada hay’adaha gargaarka iyo horumarinta ee ka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Waqooyi Bari, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta maamulka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
HBN ONLINE TV

