Kumannaan qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya kaddib abaaro daba dheeraaday

Kumannaan qoys ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, kaddib markii abaaro daba dheeraaday, colaado iyo hoos u dhac ku yimid gargaarka caalamiga ah ay xaaladda bani’aadannimo sii adkeeyeen.

Warbixin ay diyaarisay Wakaaladda AP ayaa lagu sheegay in magaalada Baydhabo ay noqotay meel ay ku soo qulqulayaan qoysas ka cararaya abaaraha, amni darrada iyo cunto yaraanta. Qoysaskaasi ayaa la sheegay inay magaalada soo gaaraan iyagoo aan haysan cunto, biyo iyo dhaqaale ku filan.

AP ayaa tusaale u soo qaadatay Luul Maxamed iyo shanteeda carruur ah, kuwaas oo muddo ku dhow laba toddobaad safar ku jiray, kaddib markii abaartu ku qasabtay inay ka soo hayaamaan deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Qoysku waxay 3-dii Agoosto gaareen Baydhabo iyagoo aan haysan wax cunto ah.

Sida warbixintu sheegtay, ku dhawaad 2 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa wajahaya heerar degdeg ah oo cunto yari ah, taas oo in ka badan laba jibbaar ka badan tiradii sannadkii hore, sida ay sheegtay hay’adda Plan International.

Baydhabo ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay ku urureen dadka abaaruhu barakiciyeen. Magaalada oo ay ku nool yihiin qiyaastii 1.6 milyan oo qof, ku dhawaad kala bar dadkaas ayaa la sheegay inay yihiin barakacayaal.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta dadka barakacayaasha ah waxaa kamid ah biyo la’aan. Warbixinta AP ayaa sheegtay in qiyaastii hal qoys shantii qoysba mid aanu haysan biyo la isku halayn karo, iyadoo qoysas badan lagu qasbay inay biyo ka iibsadaan booyadaha, taas oo culays dhaqaale ku ah dadka danyarta ah.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay xaaladda Xabiba Aadan, oo ka soo barakacday deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay, kaddib markii abaaro muddo 4 sano ah socday ay baabi’iyeen dalagyadii, isla markaana ay dhinteen xoolihii ay nolosheedu ku tiirsanayd.

Dhanka kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha FAO ayaa saadaalisay in ay jirto in ka badan 90% fursad ah in xaaladda El Niño ay samaysanto bartamaha sannadka 2026, isla markaana ay xoogaysato xilliga roobabka Soomaaliya ee Oktoobar ilaa Diseembar, taas oo kordhin karta khatarta fatahaadaha.

 

Geesta kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in amni-darrada, abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ay sababeen barakac ballaaran oo ka jira deegaanada maamulka.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in Alshabaab ay cadaadis ku saartay dadka reer miyiga ah, taas oo ku qasabtay inay ka soo barakacaan deegaanadooda una soo guuraan magaalooyinka. Waxa uu xusay in Koonfur Galbeed ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ku nool yihiin barakacayaasha Soomaaliya, iyadoo dad badan oo Muqdisho yimaadana ay ka soo hayaamaan deegaanada maamulka.

Waxa uu ka digay in xaaladda bani’aadannimo ay sii xumaan karto haddii ay isku darsamaan amni-darrada, abaaraha iyo saameynta isbeddelka cimilada, isagoo sheegay in duruufaha adag ee magaalooyinka ay sidoo kale saameynayaan dadka barakacay.

Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay abaaro soo noqnoqda oo mararka qaar ay ku xigaan fatahaado baahsan, kuwaas oo saameeya dalagyada, xoolaha iyo nolosha malaayiin qof, isla markaana kordhiya barakaca iyo cunto yaraanta.

Hay’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqaya in la kordhiyo taageerada caalamiga ah, iyadoo laga digayo in hoos u dhaca maalgelinta gargaarku uu sii xumayn karo xaaladda dadka wajahaya cunto yari iyo duruufo nololeed oo adag.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed